|
Kamsuuma,(insidesomalia.org)-Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka KMg ah ee soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubada hoose, kadib si nabadgalyo ah ay kula wareegeen, iyagoo wax iska caabin ah aan la kulmin.
Kooxahaan ka soo horjeeda Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Wadanka Soomaaliya ayaa xalay la wareegeen gacan ku haynta Kamsuuma ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo shalay galinkii dambe ay la wareegeen kooxo kale oo kahorjeeda dowladda Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe
Deegaanka Kamsuma oo 90km kaga beegan dhanka Waqooyi Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in gabi ahaamba ay isaga soo baxeen Ciidamadii Dowladda, kadib markii ay ka war heleen in ay u soo galeen Xoogaga Taabacasn kooxaha ka soo hor jeeda Dowladda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahani ay shalay galinkii danbe soo gaareen halka loo yaqaan La’iitoow halkasi oo 15 KM u jirta deegaanka Kamsuuma oo ay dhawaan ku heshiiyeen labo beelood oo maleeshiyaadkooda ay isku fara saareen.
Lama oga halka ay uga sii ruqaan san doonaan waloow ay u dhawdahay Degmada Jamaame oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Jubada hoose, maadaama aan la ogeeyn in halkasi ay ku leexan doonaan iyo in kale.
Qabsashada Qeeybo badan oo ka mid ah gobolkani ee Xoogaga ka soo hor jeeda dowladda Soomaaliya ee ay kala wareegeen qeeybo badan oo ka mid ah Gobolka Jubada dhexe iyo kan Jubada hoose, isla markaana ay kala eryeen kooxo maleeshiyaad ah oo ay jidgooyo u taalay taasi oo ay si weeyn u soo dhaweeyeen dadka ku nool halkaasi.
Shalay ayeey aheeyd markii kooxahani ay la wereegeen gacan ku heeynta Degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe oo kadib markii ay si nabadgalyo ah ula wareegeen.
|